Senatarka ismaamulka Kericho ahna hoggaamiyaha aqlabiyadda aqalka sare , Aaron Cheruiyot ayaa soo dhaweeyay isku shaandheyn lagu sameeyay saraakiisha ammaanka ee ka howlgalo xadka ay wadagaan dowlad deegaannada Kisumu iyo Kericho.
Tani ayaa timid ka dib markii dhawaan magaalada Sondu oo halkaasi ku taalla laga soo tabiyay isku dhacyo sababay dhimasho, dhaawacyo , burburin hantiyeed iyo barakac.
Cheruiyot ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in lala tacaalo dambiilayaasha iyo isku dirka bulshada.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu bogaadinaya isbeddellada lagu sameeyay saraakiisha ammaanka balse tallaabadaasi keliya aan loo baahnayn oo ay tahay in gacanta lagu soo dhigo shakhsiyaadka dilalka u gaysta shacabka.
Waxaa uu senatarka intaasi ku daray in beelaha labada dhinac ay walaac ka muujiyeen waxqabad la’aanta ciidamada booliiska taasoo horseedday in xalka ugu horreeya uu noqdo isku shaandheyn.




