Mexico oo laga xaqiijiyay in ka badan 2,000 oo ah dhimasho ka dhalatay COVID-19

0
613

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Mexico ayaa sheegtay in ay diiwaangelisay 2,192 oo ah kiisas dhimasho oo la xiriira cudurka COVID-19.
Tani ayaa tirada guud ee dadka ilaa iyo hadda gudaha wadankaas ugu dhintay caabuqa corona ka dhigtay 209,212.
Waa tirada afaraad ee dhimashada ugu badan caalamka marka laga soo tago wadamada Maraykanka ,Brazil iyo India.
Sidoo kale dalka Mexico ayaa laga xaqiijiyay xaalado cusub oo corona oo gaaraya 6,356 tani oo tirada guud ee kiisaska caabuqa ee wadankaas ka dhigtay 2,278,420 .