Waxaa lagu soo warramayaa in dhowr qof ay dhaawacmeen ka dib markii uu xalay bas ay leedahay shirkadda Tahmeed shil ku galay aagga Maungu ee waddada wayn ee u dhexeysa ismaamullada Nairobi iyo Mombasa.
Mid ka mid ah rakaabka ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus.
Warbixinta booliiska waxaa lagu sheegay in baska oo ka soo ambabaxay Mombasa uu xilligaasi ku soo wajahna ismaamulka Nairobi.
Dhaawaca ayaa la geeyay isbitaalka wayn ee Moi oo ku yaalla deegaanka Voi ee ismaamulka Taita Taveta.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in darawalka oo baska si xowli ah u kaxeynayay awgeed uu gaariga ku dhacay maroodi waddada gooynayey oo u jeeday dhanka seeraha qaran ee Tsavo East .




