Dowladaha Kenya iyo Korea ayaa isku afgartay inay sare u qaadaan xiriirka ka dhexeya golayaashooda xeer dejinta.
Tani ayaa timid ka dib markii guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka dalka Gladys Boss ay soo dhaweysay guddoomiyaha baarlamaanka ee wadanka Korea Kim Jin-Pyo.
Gladys Boss ayaa hoosta ka xarriiqday in labada dal ay leeyihiin xiriir hoose oo wanaagsan.
Safarka uu guddoomiyaha baarlamaanka Korea ku yimid Kenya ayay ku tilmaantay mid ay aqoonta dhanka xeer dejinta isku dhaafsanayaan.
Kim Jin-Pyo ayaa dhankiisa ka mahadceliyay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay wuxuuna socdaalkiisa ku tilmaamay mid taariikhi ah.




