DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo Talaadada u safraya Uganda

0
258

Waxaa uu qorshuhu yahay in madaxweynaha dalka William Ruto uu Talaadada soo socoto safar ku tago wadanka Uganda oo Kenya daris la ah.
Ruto ayaa arrinkan shaaca ka qaaday xilli uu ku sugnaa ismaamulka Homa Bay ee gobolka Nyanza.
Waxaa uu sheegay inuu madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni kala hadli doono xallinta tabashooyin ay qabaan kalluumeysatada ismaamulkaasi.
Barasaabka ismaamulka Homa Bay Gladys Wanga ayaa madaxweynaha u sheegtay in kalluumeysatada harada Victoria ay dhibaatooyin kala kulmaan saraakiisha ammaanka ee Uganda.
Hasa ahaate madaxweyne Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in isaga iyo dhigiisa wadankaasi ay isla meel dhigi doonaan sidii caqabaddan looga gudbi lahaa iyadoo la tixgelinaya daris wanaagga.