Issac Mwaura oo dhawaan loo magacaabay xilka afhayeenka dowladda dhexe ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo dhammaan wasaaradaha dowladda ,waaxyaha hoos tago iyo hay’adaha kala duwan.
Mwaura oo xilkan kala wareegay Cyrus Oguna ayaa waxaa ku xigeenno u ah Mwanaisha Chidzuga iyo Gabriel Muthuma.
Xilli uu warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi ayuu sheegay in dowladdu ay kenyaanka si toddobaadla ah oo furan ula wadaagi doonto xogaha muhiimka ah.
Waxaa uu warfidiyeennada ka codsaday inay si xor ah u waydiiyaan su’aallaha ay qabaan.
Issac Mwaura ayaa ballanqaaday in warbaahinta iyo agaasimayaasha kala duwan ee isgaarsiinta iyo xiriirka bulshada ay ka dhexeyn doonto wada shaqeyn dhow.
Mwaura ayaa ku celceliyay inuu ka soo bixi doono waajibaadka loo igmaday maadaama sida uu hadalka u dhigay ay ka go’an tahay inuu difaaco dhaqangelinta qorshaha horumarineed ee maamulka Kenya Kwanza iyo waxqabadka dowladda.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu yahay qofkii ugu horreeyay ee qabo baahiyaha gaarka ah ee dhanka midibka maqaarka oo loo magacaabay afhayeenkii shanaad ee dowladda dhexe.
Tani ayuu ku tilmaamay inay muujinaysa in maamulka madaxweyne William Ruto uu oofinaya ballanqaadkiisi ahaa in qayb waliba oo bulshada ka mid ah ay ka dhex muuqan doonto dowladda.