Madaxweyne ku xigeenka dalka oo difaacay isku shaandheynta golaha wasiirrada

0
275

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa kenyaanka ugu baaqay inaynan ku mashquulin oo aynan fasiraad qoto dheer ka bixin tallaabadii uu madaxweynaha dalka William Ruto ku shaandheeyay golihiisa wasiirrada.
Gachagua ayaa qoraal uu maanta soo saaray ku sheegay in hoggaamiyaha wadanka uu sameeyay arrin uu u madax bannaan yahay oo ah inuu isku duba rido howlwadeennada la shaqeeya si loo wanaajiyo bixinta adeegyada shacabka.
Rigathi Gachagua ayaa sheegay inuunan jirin mas’uul xilka laga qaaday.
Waxaa uu dhanka kale wasiirrada xilalka loo kala beddelay ka dalbaday inay si hufan uga adeegaan qaranka.
Gachagua ayaa xusay inay muhiim tahay in la dareemo waxqabadka mas’uuliyiinta dowladda.
Arbacadii ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka William Ruto golihiisa wasiirrada ku sameeyay isku shaandheyntii ugu horreysay.
Wasiirkii ganacsiga Moses Kuria ayaa loo wareejiyay dhanka adeegga dadweynaha.
Waxaa beddeshay Rebecca Miano oo laga soo wareejiyay dhanka arrimaha bariga Afrika.
Alfred Mutua oo ahaa wasiirkii arrimaha dibadda ayaa la geeyay dhanka dalxiiska oo ay haysay Peninah Malonza oo hadda ah wasiiradda arrimaha bariga Afrika, horumarinta gobollada iyo deegaanada oomanaha ee ASALs.
William Ruto ayaa sidoo kale ballaariyay shaqooyinka madaxa wasiirrada ee dalka Musalia Mudavadi waxaana loogu kordhiyay wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta oo uu sidoo kale hoggaamin doono.
Madaxweynaha ayaa waaxdii maareynta waxqabadka ka saaray xafiiska madaxa wasiirrada wuxuuna hoos geeyay wasaaradda adeegga dadweynaha oo uu hoggaaminaya Moses Kuria.