Xildhibaanka Ijara oo ka hadlay dad deegaankiisa ka soo jeedo oo la waayay

0
260

Mudanaha deegaan baarlamaneedka Ijara ee ismaamulka Garissa Cabdi Cali ayaa walaac ka muujiyey inay jiraan shakhsiyaad ka soo jeedo deegaankaasi oo la waayay.
Xilli uu baarlamaanka farriin u gudbinayay ayuu ka hadlay xaaladda ammaanka ee Ijara.
Waxaa uu sheegay in 15-kii bishii hore la waayay Mr. Cabdi Maxamad Cabdi ay afduubteen dad aan haybtoodu la aqoonsan xilli uu lo’ ku daajinayay keynta Boni.
Toddobaad ka dib xilligaasi waxaa gurigiisa laga kaxeystay Mr. Axmed Cabdi Axmed.
Mudanaha ayaa sheegay in ninkan uu ku sugnaa hooygiisa oo ku yaalla tuulada Bula Gora ee deegaanka hoose ee Ijara Ward.
Sidoo kale xildhibaanka laga soo doortay Ijara , Cabdi Cali Sheeqoow ayaa baarlamaanka u sheegay in 23-kii bishii hore, Mr. Cabdi Jibril Dhaqane laga afduubtay tuulada Bargoan ee duleedka degmada Boodhaay xilli uu lo’ la jiray.
Waxaa uu intaasi ku daray in saddexdan qof ay yihiin dad bulshada magac ku dhex leh oo ganacsato ah.
Mudanaha ayaa xusay in qoysaska saddexdan qof aynan ilaa iyo hadda ku guulaysan inay ogaadaan halka la geeyay dadkan.
Waxaa uu wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka gaar ahaan taliyaha guud ee booliiska Japhet Koome ka dalbaday inuu baaritaano degdeg ah ku sameeyo dhacdooyinkan oo uu xaqiijiyo in dadkan ay iyagoo badqaba dib ula midoobaan ehelladadooda.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa xilli uu shalay hor tagay baarlamaanka sheegay in Kenya ay ciidamadeeda militariga ee ku sugan gudaha Soomaaliya ay halkaasi ka soo saari doonto bisha 12-aad ee sanadka soo socdo.