Danjiraha Ingiriiska ee Kenya oo booqday gobolka Rift Valley

0
278

Safiirka boqortooyada Ingiriiska ku matalo dalkani Kenya ,Neil Wigan ayaa socdaalkiisi ugu horreeyay ku tagay gobolka Rift Valley.
Wigan oo bishii Toddobaad ee sanadkan beddelay Jane Mariott ayaa gaaray ismaamullada Bomet, Kericho, Kisumu, Uasin Gishu iyo Nandi sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiskiisa.
Ingiriiska ayaa gobolka Rift Valley si gaar ah uga caawinaya arrimaha dhaqanka , dhaqaalaha iyo ammaanka.
Danjiraha waxaa uu kulamo la qaatay barasaabyada ismaamullada Bomet iyo Kericho ee kala ah Hillary Barchok iyo Erick Mutai.
Waxay ka wada hadleen xal u helidda caqabadaha bulsho ee halkaasi ka jiro oo ay ka mid yihiin xadgudubyada jinsiyadeed.
Sidoo kale waxay wada hadalkooda diiradda ku saareen iskaashiga arrimaha ganacsiga iyo maalgashiga.
Guddoomiyaha dowlad deegaanka Elgeyo Marakwet Wisley Rotich iyo danjiraha Ingiriiska ee Kenya Neil Wigan ayaa ka wada hadlay faa’iidada laga helay barnaamijka horumarka waara ee kobaca dhaqaale ee Ingiriiska ee (SUED)
Barnaamijkan oo soconaya muddo 5 sano ah ayaa waxaa ku baxaysa lacag dhan 13 bilyan oo shilin waxaana dhanka maalgashiga looga caawinaya 12 ismaamul si dhaqaalahooda loo kobciyo oo loo abuuro fursado shaqo.
Ismaamulka Nandi, waxaa uu danjiraha Ingiriiska ee Kenya kula kulmay barasaabka dowlad deegaankaasi Stephen Sang oo sidoo kale ah guddoomiyaha dalladda dhaqaalaha ee Waqooyiga Rift Valley ee (NOREB).
Waxay sidoo kale safiirka is arkeen xubno matalayay qowmiyadaha Borowo, Kipsigis, Koitalel iyo Talai sidoo kale golaha waxgaradka Nandi.