EACC oo war ka soo saartay fadeexad lala xiriirinaya barasaabkii hore ee Kakamega

0
236

Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa sheegay inuu waaxda dacwad oogidda dalka u gudbiyay gal dacwadeedka baaritaannada fadeexad lacageed oo dhan 1.3 bilyan oo shilin oo lala xiriiriyay guddoomiyihii hore ee ismaamulka Kakamega Wycliffe Oparanya.
Bishii Siddeedaad ee sanadkan ayay ahayd markii Oparanya iyo xaasaskiisa ay su’aallo waydiiyeen dambi baarayaasha EACC.
Waxaa laga wareystay eedeyn ah inay lunsadeen 1.3 bilyan oo shilin muddo labo xilli ah oo uu Oparanya hoggaaminayay dowlad deegaanka Kakamega .
Guddoomiyaha guddiga EACC, David Oginde oo maanta ka soo hormuuqday guddiga wada hadallada qaran ee siyaasadeed ka wado xarunta Bomas ee magaalada Nairobi ayaa sheegay inay waaxda dacwad oogidda u gudbiyaan kiisaska u baahan in baaritaano qoto dheer la sameeyo.
Waxaa uu xusay inay gal dacwadeedka sii wareejiyeen ka dib markii ay dhameystireen baaritaanadooda ka dhanka ah Oparanya.
Oginde ayaa intaasi ku daray inuu jiro kiis la doonayo inuu ka jawaabo mas’uulkan hore marka lagu saleeyo waxyaabaha uga soo baxay baaritaannada.