Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta dhammaan wasaaradaha dowladda dhexe ku amray inay boqolkiiba 10 ay yareeyaan isticmaalka miisaaniyadii loo qoondeeyay sanad maaliyadeedkan 2023/2024-ta si la isu waafajiyo isticmaalka lacagaha iyo dhaqaalaha dowladda.
Xilli uu hoggaamiyaha dalka xarunta madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi ku guddoomiyay shirka golaha wasiirrada, ayuu carrabka ku adkeeyay inay lagama maarmaan tahay in sida habboon loo isticmaalo kheyraadka dadweynaha.
Waxaa uu wacad ku maray in maamulkiisa uunan marnaba u dul qaadanayn falalka musuqmaasuqa iyo ku tagriifalka raasimaalka dalka.
William Ruto ayaa dhanka kale digniin adag u diray saraakiisha dowladda ee isku daya inaynan adeegsan hannaanka lacag bixinta ee laga mideysan yahay .
Waxaa uu tilmaamay in baahi wayn loo qabo xoojinta howlaha kormeerka maaliyadeed.
Arrimahan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dowladda Kenya cadaadis xooggan lagu saaraya inay hoos u dhigto qiimaha sarreeya ee maciishadda oo la dareemay ka dib markii ay kordheen qiimaha cuntooyinka iyo noocyada kala duwan ee shidaalka.
Maamulka talada wadanka haya ee Kenya Kwanza ayaa hadda qaadaya tallaabooyin lagu yareynaya qarashaadka ku baxo howlaha kala duwan sida shaqooyinka wasaaradaha, safarrada dibadda iyo kuwa maxalliga ah.
Dhanka kale golaha wasiirrada ee dalka ayaa ansixiyay hindise maaliyeedyada xakameynta khamaarka iyo bakhti nasiibka ee sanadkan oo baarlamaanka loo gudbin doono.
Sidoo kale golaha wasiirrada ee dalka ayaa maanta meel mariyay in la dhiso garoon cayareed oo qaadaya ilaa 60,000 oo qof tani oo qayb ka ah u diyaar garowga cayaaraha koobka waddamada Afrika ee AFCON ee sanadka 2027-ka.
Waxaa dayac tir lagu sameyn doonaa fagaaraha cayaaraha ee Moi International Sports Centre ee Kasarani, Nyayo Stadium iyo Kipchoge Keino Stadium ee magaalada Eldoret.