Saraakiisha amniga ee ismaamulka Nakuru ayaa gacanta ku dhigay 10 qof oo la rumeysan yahay inay ka dambeeyeen falal dhac ah oo laga gaystay xaafado ku yaalla dowlad deegaankaasi.
Waxaa la rumeysan yahay in shakhsiyaadkan xubno ka yihiin kooxo burcad ah oo dhibaateeya shacabka magaalada Nakuru.
Taliyaha booliiska ee ismaamulka Nakuru Samuel Ndanyi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in burcaddan lagu soo qabtay howlgal ay ciidamada ammaanka ay xalay sameeyeen.
Waxaa uu sheegay in burcaddan ay bartilmaameedsan jiray dukaamada ganacsiga iyo dadka maraya waddooyinka islamarkaana ay dhac u gaysan jireen.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray in ciidamada howlgalka sameyay ay sidoo kale soo heleen mindiyo, bistoolado gacan ku sameys ah, daroogada Xashiishka iyo waxyaabo kale oo la rumeysan yahay in dhaca lagu gaysan jiray.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray in saraakiisha ammaanka ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah xubnaha lala xiriirinaya burcadnimada si loo sugo amniga deegaankaasi.
Eedeysanayaasha ayaa lagu wadaa in berri maxkamad la soo taago.