Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa soo dhaweeyay tallabada uu golaha ammaanka ee qaramada midoobay UNSC ku ansaxiyay in Kenya ay hoggaamiyso howlgal nabad sugid ah oo la gaynaya wadanka Haiti.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa golaha UNSC ku ammaanay go’aaka muhiimka ah ay gaareen ee ku aadan howlgalka caalamiga ah ee Haiti.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda uu howlgalkan u leeyahay xasillinta dalka Haiti, kaasoo uu tilmaamay inuu kaalin ka qaadan doono in naabd waarta lagu soo dabaalo wadankaasi.
Madaxweynaha dalka ayaa hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay in la kordhiyo dadaallada lagu bixinayo, gargaarka bini’aadanimo, taageerada dhanka caafimaadka bulshada iyo ilaalinta deegaanka ee wadankaasi.
William Ruto ayaa ku celceliyay in hadafka koowaad ee howlgalka nabadda sugidda uu yahay in la sameeyo jawi ku habboon labada dhinac ee siyaasadda iyo bulshada rayidka ah ee Haiti si loo helo xasilooni, horumar iyo dowlad dimuqraadi ah.
Booliiska Kenya ay door ka qaadan doona la dagaallanka kooxo hubeysan oo lagu tilmaamay kuwo awood leh oo ka jira gudaha Haiti.
Qaraarka uu ansixiyay golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee UNSC oo ay soo saareen Maraykanka iyo Ecuador waxaa inay u codeeyaan ka gaabsaday dowladaha Shiinaha iyo Ruushka oo ka mid ah 15-ka xubnood ee golahan.