Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka 2 sarkaal oo ku dhaawacmay weerar ay Israa'iil ka gaysatay Syria

2 sarkaal oo ku dhaawacmay weerar ay Israa’iil ka gaysatay Syria

Ugu yaraan labo ka mid ah ciidamada qalabka sida ee dalka Syria ayaa ku dhaawacmay duqeyn dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ku bartilmaameedsatay saldhigyo militari oo ku yaalla gobolka bari ee Deir Az Zor.
Warbaahinta maxalliga ee Syria oo ay ka mid tahay wakaaladda wararka ee SANA ayaa ku warramaysa in weerarkan uu dhacay abaare 11:50 habeenimo ee xalay.
Ilo wareed ka tirsan militariga Syria ayaa sidoo kale laga soo xigtay in duqeynta Israa’iil uu ka dhashay burbur dhanka kaabayaasha ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments