Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Wasaaradda dhulalka oo billowday dib u eegista diiwaankeeda

Wasaaradda dhulalka oo billowday dib u eegista diiwaankeeda

Wasaaradda arrimaha dhulalka ee dalka ayaa guda gashay inay baaritaano dabagal ah ku sameyso diiwaanadeeda wadanka oo dhan.
Tani ayaa la doonaya in lagu wanaajiyo adeegyada loo fidiyo shacabka iyo uruurinta lacagaha laga qaado.
Howshan oo qaadan doonto muddo 14 cishe ah ayaa waxaa hoggaamin doono ilaa Siddeed koox.
Kooxahan ayaa socdaal ku tagi doono gobollada Xeebta, Nyanza , Bartamaha , Galbeedka iyo Rift valley.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda dhulalka ee dalka, Nixon Korir ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu sheegay in kooxaha dabagalka sameynaya laga doonayo inay soo gudbiyaan warbixinno sax ah si loo wanaajiyo diiwaanka wasaaradda oo haddii ay jiraan meelo u baahan in la sii ballaariyo in sidaasi la sameeyo.
Korir ayaa sheegay in la xaqiijin doono in dhamaan dokumeentiyada yaalla wasaaradda ay yihiin kuwo elektoroonik ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments