Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Anne Waiguru oo markii labaad loo doortay xilka guddoomiyaha golaha CoG

Anne Waiguru oo markii labaad loo doortay xilka guddoomiyaha golaha CoG

Barasaabka ismaamulka Kirinyaga ,Anne Waiguru ayaa markii labaad loo doortay guddoomiyaha golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada dowlad deegaannada wadanka ee CoG.
Doorashada ayaa ahayd mid lagu buuxinayay xilalka golaha fulinta .
Waxaa Waiguru lala doortay barasaabka ismaamulka Wajeer Axmad Cabdullahi oo sii haynaya jagada guddoomiye ku xigeenka golaha barasaabyada halka dhigiisa Nandi ,Stephen Sang uu qaabilsan yahay dhanka kala dambeynta ama abaabulka.
Sidoo kale barasaabyada ayaa iska dhex doortay guddoomiyaasha guddiyada farsamada ee golaha CoG .
Anne Waiguru oo markii ugu horreysay hoggaanka barasaabyada qabatay bishii Sagalaad ee sanadkii hore ayaa ballan qaadday inay diiradda saari doonto sidii kheyraadka dowladda dhexe loo gaarsiin lahaa dhamaan shaqooyinka la daadajiyay ee ismaamullada.
Waxay intaasi ku dartay inay ka shaqeyn doonto sidii loo kordhin lahaa miisaaniyadda ay dowladda sare siiso ismaamullada, in laga caawiyo inay helaan dakhli u gaar ah oo lagu guulaysto dhaqangelinta barnaamijka caafimaadka guud ee (UHC),horumarinta wax soo saarka beeraha iyo ganacsiga.
Waiguru ayaa barasaabyada ismaamullada wadanka uga mahadcelisay inay markii labaad muujiyeen kalsoonida ay ku qabaan hoggaanminteeda.
Waxay ballan qaadday inay golaha guddoomiyaasha dowlad deegaannada gaarsiin doonto heer sare.
Sidoo kale waxay u hambalyeysay guud ahaan golaha fulinta iyo guddoomiyaasha guddiyada farsamada ee la doortay.
Waxay sheegtay in muddo sanad ah golaha barasaabyada uu sameeyay horumarro ay ka mid tahay in dowladda sare ay miisaaniyadda ku wareejinaysay xilligii loogu talagalay.
Anne Waiguru ayaa xustay in ismaamullada ay ka go’an tahay inay kenyaanka u fidiyaan adeegyada lagu wareejiyay.
Waxay tilmaantay inuu soo hagaagay xiriirka ka dhexeya labada heer ee dowladda iyadoo la adeegsanaya wada tashi iyo wada hadallo ay dadweynaha la socdaan iyo kuwo gaar ah labaduba.
Anne Waiguru ayaa dhanka kale sheegtay inay la kulantay caqabado ay ka mid tahay in la isku dayay carqaladeynta nidaamka dowlad wadaajinta sida soo saaridda xeerar aan u cuntamin.
Waxay ku baaqday in waaxyaha dowladda sare ay ismaamullada kala tashadaan xeerarka saameynaya ka hor inta aan la soo saarin.
Jimcihii ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto oo hadal ka jeedinayay kulankii golaha qaran ee maamulo xisbiga UDA ee NGC uu ku yeeshay xarunta Bomas ee magaalada Nairobi , uu guddoomiyaha barasaabyada dalka ku ammaanay inay xiriir wada shaqeyn oo wanaagsan ka dhex abuurtay heerarka dowladda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments