Ururka qareenada dalka oo walaac ka muujiyay kiisaska dilalka sii kordhay ee gudaha wadanka

0
499

Ururka qareenada dalka ee (LSK) ayaa walaac ka muujiyay dilalka ka dhacaya qayb ka mid ah wadanka.
Waxaa ay cambaareeyeen dil maalmo ka hor loo geystay wariye ka mid ahayd shaqaalaha warbaahinta qaranka ee KBC oo lagu magacaabi jiray Betty Barasa.
Bayaan uu ururkan LSK maanta soo saaray ayaa lagu sheegay in kiisaska dilka sii kordhay ee gudaha wadanka ay tahay wax laga walwalo.
LSK ayaa sidoo kale cambaareysay dilkii Jeniffer Wambua oo ahayd agaasime sare oo dhanka isgaarsiinta u qaabilsan guddiga qaran ee arrimaha dhulalka ee NLC.
Waxaa ay ku andacoodeen in dilka haweeneydaas loo geystay bishii hore aysan ilaa hadda jirin cid la tuhmayo oo la qabtay.
Waxaa ay su’aalo ka keenay tallaabooyinka ay dowladda ku adkeeneyso amaanka wadanka.
Ururka qareenka dalka ee LSK ayaa abaanduulaha booliska Hillary Mutyambai ugu baaqeen in baaritaano adag la sameeyo si gacanta loogu soo dhigo shakhsiyaadka dilalka ka geysanaya qayb ka mid ah wadanka.