Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in xaafadaha isku raranta ah sida Kibera aynan sii jiri doonin tobanka sano ee soo socda.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladda ay wado mashaariic lagu wanaajinayo adeegyada xaafadaha isku raranta ah sida Kibera ee magaalada Nairobi, si mustaqbalka meesha looga saaro deegaamaynta aan tayeysnayn.
Madaxweymnaha dalka ayaa sheegay in mashruuca socda ee lagu dhisaya guriyo tayo ahaan wanaagsan oo shacabka degayana ay bixinayaan qiimo ay awoodaan uu kaalin ka qaadan doona in meesha laga saaro xaafadaha isku raranta ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in tiro badan oo Kenyaan ah ay weli ku nool yihiin xaafadaha isku raranta ah ayna walaaceyda leedahay.
Hoggaamiayaha wadanka ayaa ugu baaqay kuwa ka soo horjeeda mashruuca guriyeynta inay qadariyaan mustaqbalka kenyaanka danyarta ah.
In ka badan 6.5 milyan oo Kenyan ah ayaa hadda ku nool xaafadaha isku raranta ah ee guud ahaan wadanka.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in tobanka sano ee soo socda meesha laga...