Ciidamada booliiska ee dalka ayaa looga digay inay laaluush qaataan inta lagu guda jiro qoritaanka ciidamo cusub oo booliis ah ee guud ahaan wadanka.
Guddoomiyaha guddiga adeegga qaran ee booliiska ee (NPSC) Eliud Kinuthia ayaa sheegay inay u hoggaansamayaan amarka madaxweynaha dalka William Ruto ee ah in lala tacaalo falalka musuqmaasuqa.