Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:SUPKEM oo ka hadashay habraaca xajka

DHAGEYSO:SUPKEM oo ka hadashay habraaca xajka

Golaha sare ee muslimiinta dalka ee SUPKEM iyo shirkadaha xujeyda qaada ee howlahan loo oggolaaday ayaa muslimiinta ku wargeliyay inuu jiro isbeddel dhanka habraaca xajka ah ee sanadka soo socdo.
Guddoomiyaha SUPKEM, Xasan Ole Naado ayaa sheegay in shirkadaha iyo xarumaha dibloomaasiyadeed ee la ansixiyay ay gaarayaan 50 isagoo dadweynaha uga digay in ay khiyaanaan shirkado aan oggolaansho rasmi ah haysan .
Waxaa uu intaasi ku daray inay dhawaan soo saari doonaan liiska shirkadahan iyo nambarrada lagala xiriiri karo.
Xasan Ole Naado ayaa sheegay in SUPKEM aynan qaadan doonin mas’uuliyadda qof xaj u diyaar garoobaya oo la khiyaanay.

Shirkadaha qaabilsan qaadidda xujeyda ayaa sidoo kale dhankooda isbeddellada jira sidatan u faahfaahiyay waxayna dadka doonaya inay sanadka dambe soo xajiyaan ugu baaqeen inay xilli hore guda galaan diyaar garowgooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments