Sicir bararka dalka oo sii kordhay bishii hore

0
240

Waxaa bishii hore ee Sebteembar ee sanadkan la diiwaangeliyay korar dhanka sicir bararka ah.
Macluumaadka waaxda qaran ee keydinta xogaha ee (KNBS) ayaa muujinaya in tani loo aaneeyay inuu kordhay qiimaha waxyaabo kala duwan.
Waaxdan ayaa qiimaha sicir bararka ee bishii hore dalka ka jiray ku sheegtay boqolkiiba 6.8 marka loo barbardhigo bishii ka sii horreysay oo uu ahaa 6.7 boqolkiiba.
KNBS ayaa laga soo xigtay in intii u dhexesay bishii Siddeedaad ilaa bishii Sagalaad ee sanadkan , adeegyada guriyeynta, biyaha, korontada iyo noocyada shidaalka ay kordheen boqolkiiba 1.4.