Xoghayaha guud ee ururka qaran ee macallimiinta ee (KNUT), Collins Oyuu ayaa digniin u diray barayaasha tacaddiga galmo kula kaco ardayda.
Xilli uu hadal ka jeedinayay ismaamulka Kirinyaga ayuu Oyuu wacad ku maray in ururka KNUT uunan marnaba difaaci doonin macallinkii sidan sameeya.
Waxaa uu ku celceliyay in ka urur ahaan ay si buuxda u taageersan yihiin in shaqada laga joojiyo barayaasha ardayda u gaysta xadgudubyada galmada la xiriira.
Oyuu ayaa sheegay in macallimiinta dhaqankan leh aynan u qalmin inay ardayda wax sii baraan balse ay mudan yihiin in xabsiga loo taxaabo.