Wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ayaa sheegtay inuu si habsami leh u socdo diyaar garowga ku aaddan xuska maalinta qaran ee halyeeyada ee sanadkan.
Dabbaal degga ugu wayn ee maalinka Mashujaa Day oo ah midkii 60-aad ayaa 20-ka bishan lagu qaban doonaa ismaamulka Kericho .
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Raymond Omollo ayaa indhaindheyn ku sameeyay fagaaraha Kericho Green Stadium oo uu xuskan ka qabsoomi doono.
Dowladda ayaa ku dadaalaysa in la ballaariyo goobtaasi si ay u qaaddo 10,000 qof.
Omollo ayaa sidoo kale kormeer ku soo sameeyay hooyga rasmiga ee guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo Kericho iyo garoonka yar ee diyaaradaha ee Kerenga Airstrip.
Dabbaal degga maalinta halyeeyada ee sanadkan ayaa diiradda lagu saari doonaa barnaamijka caafimaadka guud ee UHC.