Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Dowladda oo kenyaanka ku wareejisay 22,000 oo baasaboorro ah

Dowladda oo kenyaanka ku wareejisay 22,000 oo baasaboorro ah

Dowladda dhexe ayaa sheegtay in baasaboorro la soo saaray oo gaaraya 22,353 in muddo toddobaad gudaheeda ah lagu wareejiyay kenyaankii codsaday guud ahaan wadanka.
Tani ayaa qayb ka ah barnaamijka dardargelinta soo saaridda dokumeentigan muhiimka ah ee loogu magacdaray (RRI).
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa tirada guud ee baasaboorrada la soo saaray toddobaadkii ugu dambeeyay ku sheegay in ka badan 87,000 .
Kindiki ayaa xusay in ugu yaraan 65,101 oo baasaboorro ah oo yaalla xarumo kala duwan aynan weli qaadan dadkii lahaa.
Waxaa uu mar kale ku celiyay digniintii ahayd in haddii uunan qofka baasaboorkiisa kula wareegin muddo bil ah in meesha laga saari doono sidoo kalena qofkaasi la ganaaxaya.
Kindiki ayaa tilmaamay in maalin kasta oo Arbaco ah ay waaxda socdaalka ee dalka ay soo daabici doonto magacyada shakhsiyaadka laga doonaya inay baasaboorkooda qaataan toddobaadka xiga.
Marka la eego xarumaha kala duwan, xarunta dhexe ee waaxda socdaalka dalka ee Nyayo House ee magaalada Nairobi waxaa laga qaatay 9,331 oo baasaaboorro ah halka 26,839 ay weli halkaasi yaallaan.
Xarunta waaxda socdaalka ee Embu waxaa yaalla 10,409 oo ah baasaaboorro aan weli la qaadan , magaalada Eldoret tiradan ayaa ah 9,938 halka Kisumu ay tahay 9,515.
Xafiiska waaxda socdaalka ee Nakuru waxaa diyaar ku ah 8,023 oo baasaaboorro ah, Kisii (7,971) halka Mombasa ay tahay (5,424).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments