Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa bulshooyinka dariska ah ee ku nool ismaamullada Isiolo iyo Meru ugu baaqay inay soo afjaraan isku dhacyada mararka qaar dhex maro .
Waxaa uu xusay in waqti hore laga soo gudbay dhaca xoolaha maadaama sida uu hadalka u dhigay ay tani caqabad ku tahay horumarka gobolka.
Gachagua ayaa xilli uu ka hadlayay munaasabad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda batroolka Maxamad Liibaan ,waxaa uu sheegay in si wayn loola dagaallamaya burcadda dhacda xoolaha.