Xisbiga muxaafidka ee talada wadanka haya ee UDA iyo kan mucaaradka ee ODM ayaa heli doono lacagta ugu badan ee miisaaniyadda dhaqaale ee sanadkan loogu tala galay xisbiyada siyaasadeed ee wadanka.
Miisaaniyaddan ayaa loo qaybin doonaa 48 xisbi oo ka diiwaangashan gudaha wadanka.
Waxaa arrikan qoraal rasmi ah oo ay soo saartay ku shaacisay madaxa xafiiska diiwaangeliya xisbiyada siyaasadeed , Ann Nderitu.
Waxay intaasi ku dartay in xisbiga madaxweyne William Ruto ee UDA loo qoondeynaya 576,872,461 oo shilin halka ODM oo uu hoggaamiyo Raila Odinga la siinaya 308,150,345 oo shilin.
Xisbiga madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta ee Jubilee ayaa waxaa ku soo hagaagaysa lacag dhan 135,159,014 milyan oo shilin waxaana soo raaca Wiper oo uu hoggaamiyo Kalonzo Musyoka oo la siinaya 72,186,938.
Xisbiga UDM ee uu hoggaamiyo senatarka Mandera, Cali Ibraahim Roba waxaa uu heli doonaa 26,871,436 halka ANC ee Musalia Mudavadi loogu talagalay 26,606,510 oo shilin.
Sidoo kale xisbiga Ford Kenya ee guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetangula ayaa loo aqoondeeyay 25,848,652 oo shilin.
Xisbiyada ayaa lacagtan ku qaybsado tirade siyaasiyiinta ka tirsan ee la soo doortay iyo kuwa matalo kooxaha gaarka ah ee ay soo magacaabeen.