Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa galinkii dambe ee shalay ansixiyay xeer maaliyadeed oo looga hor tagaya inay hakad galaan howlaha wadankaasi.
Tani ayaa timid ka dib markii golaha Kongareeska uu ugu dambeyn meel mariyay hindise sharciyeed oggolaanaya in si ku meel gaar ah loo maalgeliyo hay’adaha dowladda Maraykanka si ay u sii shaqeeyaan.
Kongareeska ayaa kordhiyay miisaaniyadda uu Maraykanka u adeegsado wax ka qabashada musiibooyinka tani oo la gaarsiiyay ilaa 16 bilyan oo doolar.
Waxaa qiimahan lacageed codsaday maamulka madaxweyne Joe Biden.
Dhanka kale waxaa hoos loo dhigay caawimaadii lacageed ee uu Maraykanka siinayay Ukraine oo mudnaan gaar ah u lahayd si dhaqaale loogu helo waaxyaha kale.
Hindise maaliyadeedkan ayay dowladda Maraykanka adeegsan doontaa ilaa 17-ka bisha 11-aad ee sanadkan.