Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Booliiska Nyeri oo qabtay maado laga sameeya khamriga sharci darrada ah

Booliiska Nyeri oo qabtay maado laga sameeya khamriga sharci darrada ah

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Nyeri ayaa gacanta ku dhigay maadada Ethanol oo uu qiimaheeda lacageed yahay 500,000 oo shilin taasoo lagu soo saaro khamriga sharci darrada ka ah gudaha wadanka.
Maadadan ayaa lagu qabtay tuulada Barguret ee bariga deegaanka Kieni ee xigta dhanka Nanyuki.
Guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe ku matalo bariga ismaamulka Laikipia ,Patrick Muli ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay xog ka heleen dadweynaha ka dibna ay howlgalka sameeyeen.
Muli ayaa dhanka kale shacabka uga digay isticmaalka khamriga.
Waxaa uu intaasi ku daray inay qabaan tuhun ah in maadada ethanol-ka ee la qabtay laga keenay dhanka Nakuru.
Waxaa uu dadweynaha ugu baaqay inay saraakiisha ammaanka la soo wadagaan xogaha ay hayaan si loogu guulaysto dagaalka ka dhanka ah khamriga sharci darrada ah ee gobolka bartamaha dalka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments