Afhayeenka isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja -One Kenya , Prof. Makau Mutua ayaa soo jeediyay in meesha laga saaro aqalka sare ee dalka sidoo kalena la yareeyo tirada wakiillada deegaannada hoose ee ismaamullada ee loo yaqaano MCAs.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee X, ayuu Mutua ku taageeray talo uu shalay bixiyay xeer ilaaliyihii guud ee hore ee dalka Prof. Githu Muigai oo ka soo hormuuqday guddiga wada hadallada qaran ee siyaasadeed.
Muigai ayaa xubnaha ay kala hoggaaminayaan Kalonzo Musyoka iyo Kimani Ichungwah u sheegay in deegaan baarlamaneedyada wadanka oo hadda ah 290 in lagu soo reebo 100 iyo in 47-da ismaamul ee wadanka laga dhigo keliya 14.
Waxaa uu ku taliyay in meesha laga saaro jagada wakiilka haweenka ee ismaamullada.
Githu ayaa sheegay in deegaan kasta ay matali karaan labo qof oo rag iyo dumar kala ah si loo haleelo xeerka isku dheellitirka jinsiyadeed.
Waxaa uu intaasi ku daray in wadanka ay ka jiraan deegaan baarlamaneedyo iyo ismaamullo badan sidaasi awgeedna aan loo baahnayn in tiradan la sii kordhiyo maadaama uu wadanka uga baxo qarash badan.
Baarlamaanka dalka ayaa hadda ka kooban 349 xubnood oo ah 290 mudanayaal oo la soo doortay , 47 ah wakiillada haweenka iyo 12 xubnood oo si magacaabid ah ugu biiray golaha qaran ee xeer dejinta.
Afhayeenka garabka mucaaradka ee Azimio , Makau Mutua ayaa hadda sheegaya inuu Githu Muigai ku waafaqsan yahay talada uu soo jeediyay maadaama ay kenyaanka culeys kala kulmayaan maareynta mushaaraadka badan ee ku baxo matalaadda siyaasadeed.
Hasa ahaate waxay Makau Mutua iyo Githu Muigai ku kala duwan yihiin tirada laga dhimaya deegaan baarlamaaneedyada maadaama uu Mutua qabo in lagu soo reebo 200.
Tani waxay ku soo beegmaysa iyadoo dhanka kale guddiga wada hadallada qaran ee siyaasadeed loo gudbiyay soo jeedin ah in la kordhiyo tirada ismaamullada wadanka oo laga dhigo 56 si meesha looga saaro gacan bidixeynta dhanka horumarka.