Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Dhakhtar isku dilay Migori

Dhakhtar isku dilay Migori

Waxaa ismaamulka Migori naftiisa uga takhalusay mid ka mid ah howlwadeennada caafimaadka.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay deegaanka Rongo ee dowlad deegaankaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Fredrick Owuor ay da’diisu ahayd 35 sano jir .
Falka uu ku kacay ayaa loo aaneeyay muran dhanka qoyska ah.
Waxaa meydkiisa laga dhex helay guriga hooyadiisa oo ku yaalla tuulada Kabuoro.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in la arkay meydka oo meel ka laallaadha iyadoo uu qoorta xarig uga xiran yahay.
Waxaa dhacdadan xaqiijiyay ku xigeenka guddoomiyaha tuuladaasi Johanes Ooko Malela.
Ciidamada booliiska ee Migori ayaa hadda wado baaritaano dheeraad ah oo ay ku xaqiijinayaan sababta rasmiga ee uu sarkaalka caafimaad isku dilay.
Meydka ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka Rosewood Hospital si qalliin baaritaan ah loogu sameeyo.
Dhanka kale qaar ka mid ah saraakiisha ammaanka ee Migori ayaa walaac ka muujiyay falalka isa soo taraya ee ay qaar ka mid ah bulshada isku dilaan waxayna bulshada ugu baaqeen inay adeegsadaan siyaabaha xallinta khilaafaadka.
Warbixinnada booliiska Migori ayaa muujinaya in toddobaad gudihiisa ismaamulkaasi laga diiwaangeliyay labo dhacdo oo is dil ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments