Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Dowladda dhexe oo Isniinta soo bandhigi doonto aqoonsi casri ah

Dowladda dhexe oo Isniinta soo bandhigi doonto aqoonsi casri ah

Waxaa uu qorshuhu yahay in Isniinta soo socoto ay dowladda dhexe ee dalka soo bandhigto aqoonsi qaran oo dhijitaal ah oo loogu magacdaray Maisha Card.
Xoghayaha joogtada ah ee waaxda socdaalka dalka ,Julius Bitok ayaa arrinkan shaaca ka qaaday .
Waxaa horay lagu waday in barnaamijkan maanta la daahfuro balse dib ayaa loo sii dhigay.
Xoghayaha ayaa sheegay in qof kasta oo kenyaan ah aynan qasab ku ahayn qaadashada aqoonsigan cusub balse kuwa doonaya inay helaan beddelka mid ka lumay ay qasab ku tahay.
Bitok ayaa intaasi ku daray in carruurta dhasha la siin doono aqoonsi u gaar ah oo ka turjumaya nambarka shahaadada dhalashada.
30-kii bishii Lixaad ee sanadkan ayay ahayd markii ay dowladdu wasaaradaha arrimaha gudaha iyo isgaarsiinta ku amartay inay 90 cishe gudaheeda ku soo saaraan aqoonsi cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments