Waxaa maxkamad la soo taagay eedeysane lagu magacaabo Laban Mutuku Lola oo ay da’diisu dhexdhexaad tahay.
Ninkan ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu iska dhigay sarkaal ka tirsan adeegga qaran ee sirdoonka ee NIS sidaasina uu lacago baad ah uga qaatay dad shacab ah.
Laban Mutuku ayaa loo haystaa inuu 5-tii bishii Koowaad ee sanadkii 2020-kii , isagoo ku sugan magaalada Nairobi uu lacag dhan 150,000 oo shilin ka helay sarkaal sare oo dowladeed oo magaciisa lagu sheegay James Tama Musyoka isagoo ka dhaadhiciyay inuu awood u leeyahay inuu ka shaqaaleysiiyo laanta NIS.
Dacwadda labaad ee uu wajahaya ayaa ah inuu si been abuur ah u sheegtay ka mid ahaanshaha adeegga qaran ee sirdoonka.
Sida laga soo xigtay guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC, eedaysanaha ayaa baxsad ahaa tan iyo 24-kii bishii Afaraad ee sanadkan ka dib markii agaasimaha waaxda dacwad oogidda uu aqbalay talooyin uu soo jeediyay guddiga EACC si loo dacweeyo shakhsigan.
Waxaa laga soo qabtay hooygiisa oo ku yaalla xaafadda Umoja 3 Estate waxaana lagu xiray saldhigga booliska ee Kilimani ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.
Mutuku waxaa uu ka hor sheegay maxkamadda in aanu wax dambi ah galin.
Garsooraha maxkamadda sare ,Lucas Onyina ayaa ku siidaayay damaanad lacageed oo dhan 300,000 oo shilin.
Dacwadaha uu wajahaya ayay maxkamaddu mar kale soo qaadi doontaa 17-ka bisha Tobnaad ee sanadkan.