Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Vietnam oo xirtay haweeney u ololeeysa arrimaha deegaanka

Vietnam oo xirtay haweeney u ololeeysa arrimaha deegaanka

Maxkamad ku taalla dalka Vietnam ayaa xukun xabsi oo saddex sano ah ku ridday Hoang Thi Minh Hong oo caan ku ah u ololeynta deegaanka.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu helay khiyaano dhanka canshuuraadka ah.
Hoang ayaa ah aasaasaha ururka u ololeeya ilaalinta bilicda deegaanka ee CHANGE.
Maxkamadda magaalada Koonfureed ee Ho Chi Minh ayaa ku caddeysay in ururkeeda uunan bixin ku dhawaad 275,000 oo doolar oo canshuur ah.
Dowladda Maraykanka iyo dhowr ka mid ah kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqul aadanaha ayaa bishii Lixaad ee sanadkan walaac ka muujiyay tallaabo lagu xiray haweeneydan.
Hay’adda xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch (HRW) ayaa dowladda dalka Vietnam ugu baaqday inay meesha ka saarto eedeymaha ka dhanka ah Hong oo 51 sano jir ah.
Ururka CHANGE ayay billowday 2013-kii waxayna ka shaqeeyaan u ololeynta xallinta saameynta isbeddelka cimillada ,ka hor tagga wasaqaynta deegaanka iyo badbaadinta duurjoogta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments