Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Dowladda Burkina Faso oo fashilisay iskuday afgembi

Dowladda Burkina Faso oo fashilisay iskuday afgembi

Dowladda militariga ee hoggaamiso wadanka Burkina Faso ayaa sheegtay in iyadoo la adeegsanaya xogaha sirdoonka laga hor tagay iskuday afgembi.
Bayaan laga akhriyay telefishinka dowladda ee wadankaasi ayaa lagu sheegay in adeegyada amniga ay kaalin ka qaateen in qorshahan uu fashilmo.
Sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay saraakiil iyo shakhsiyaad kale oo ku eedeysan iskudayga afgembi halka kuwo dheeraad ah la raadinaya.
Dadkan ayaa loo haystaa inay damacsanayeen inay weeraraan hay’adaha dowladda Burkina Faso si ay qalalaase u abuuraan.
30-kii bishii Sagalaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii hoggaamiyihii militariga ee dalkaasi Ibrahim Traoré uu hoggaanka la wareegay.
Dhacdadaasi ayaa ahayd inqilaabkii labaad ee Burkina Faso laga soo tabiyay muddo Siddeed bilood gudaheeda ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments