ICJ qaybteeda Kenya oo dalbatay in la joojiyo ku tagriifalka lacagaha dadweynaha

0
243

Guddiga caalamiga ee garsoorayaasha ee ICJ qaybtiisa Kenya oo hor tagay guddiga qaran ee wada hadallada siyaasadeed ee fadhiyada ku yeelanaya xarunta Bomas ee magaalada Nairobi ayaa dalbaday in la joojiyo adeegsiga khaldan ee lacagaha dadweynaha.
Waxaa xubnaha halkaasi tagay hor kacayay ku xigeenka agaasimaha fulinta ee ICJ-Kenya,Demas Kiprono.
Waxay ku baaqeen in la qaado tallaabooyin lagu yareynaya qiimaha sarreeya ee maciishadda sidoo kalena in la cirib tiro falalka musuqmaasuqa in la joojiyo qaadashada deymaha shisheeye iyo ku tagriifalka lacagaha dadweynaha .
Sidoo kale waxay soo jeediyeen in si buuxda loo ilaaliyo xuquuqda bulsho iyo kuwa dhaqaale ee shacabka.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxa waaxda adeegga dadweynaha , Felix Koskei uu walaac ka muujiyay in lacago badan ay ku lumaan safarrada maxalliga iyo kuwa dibadda ee saraakiisha dowladda dhexe isagoo wasaaradaha kala duwan ku amray inay tani xalliyaan.