Jabuuti oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta doorashada guud ee dalkaasi

0
569

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa saaka looga dareeray goobaha codbixinta iyadoo abaare 6-di subaxnimo ay furmeen goobaha codbixinta ee guud ahaan dalkaasi.
Ismaciil Cumar Geele oo ay da’adiisu tahay 73 sano hoggaankana u hayay dalkaasi jabuuti muddo dhan 22 sano ah ayaa markii shanaad loolan ugu jira xafiiska ugu sarreeya ee laga maamulo dalkaasi.
Dad gaaraya 215,000 ayaa isu diwaan galiyay ka qaybgalka doorashada sanadkan iyada oo ay ku tartamayaan xilka madaxwaynaha laba musharrax oo kala ah Ismaciil Cumar geele oo xukunka hayay tan iyo 1999, iyo Sakariye Ismaciil Faarax oo ganacsade islamarkaana ah musharrax madax banaan haystana laba dhalasho oo kala ah Jabuuti iyo Faransiiska.
Goobaha codbixinta ayaa si nabad ah ku furmay 6-dii subaxnimo ee saaka iyada oo sida qorshuhu yahay ay soo xirmi donaan 7-da fiidnimo ee caawa.
Musharrax xisbiga haya talada Jamuuriyada Jabuuti ee RPP, Ismaciil Cumar Geele ayaa ku bootriyay tagerayaashiisa inay si weyn ugu soo baxaan doorashada sandkan.
Tani waxay noqonaysaa marki ugu dambeysay ee uu isu soo sharraxo madaxweyne Ismacil Cumar Geele, hadi aan wax laga beddelin tastuurka dalkaasi u degsan oo qeexaya in shakhsiga doonaya qabashada xilka madaxwaynaha Jabuuti da’diisu aysan ka waynaan 75-sano
Jabuuti ayaa ah dal ku yaala goob istarataji ah waxaana saldhigyo ciidan ku leh waddamada ugu quwadda wayn dunida oo ay ka mid yihiin Maraykanka iyo Shiinaha.
Guddiga doorashada dalkaasi ayaa la filayaa inay bilabaan tirinta cododka laga dhiibtay doorasha marka ay soo dhamaato cod bixintu sida ku cad shaqo hawleedka guddigaasi.