Ku xigeenka madaxweynaha dalka, Rigathi Gachagua ayaa hooygiisa rasmiga ee xaafadda Karen ee magaalada Nairobi ku guddoomiyay shirka heerka guddiyada ee golaha wasiirrada dalka.
Waxaa uu sheegay inay aad muhiim u tahay in si joogto ah looga tashado dhaqangelinta go’aammada golaha wasiirrada.
Gachagua ayaa hoosta ka xarriiqay in kulanka diiradda lagu saaray arrimo kala duwan oo la xiriira wanaajinta adeegyada loo fidiyo shacabka si loo dardargeliyo hirgelinta mashaariicda horumarineed ee dowladda .