Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Wasiirka arrimaha dibadda dalka oo ka hadlay booliiska la geynaya Haiti

Wasiirka arrimaha dibadda dalka oo ka hadlay booliiska la geynaya Haiti

Wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta dalka ayaa difaacday go’aanka ay dowladda Kenya qaar ka mid ah ciidamadeeda booliiska ku gaynaysa wadanka Haiti.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Dr. Alfred Mutua ayaa sheegay in tallaabadan la guda galay ka dib codsi Kenya uga yimid dowladda Haiti oo la tacaalaysa amni darro halkaasi ka jirta.
Waxaa uu Mutua beeniyay in qorshaha dowladda uu yahay mid ay gadaal ka riixayaan awoodo caalami ah.
Waxaa uu wasiirku intaasi ku daray inay jiraan ilaa toban dowladood oo kale oo sheegay inay diyaar u yihiin inay Haiti garab ku siiyaan arrimaha ammaanka ama ay maalgeliyaan howlgalka nabad sugidda ee wadankaasi.
Tan iyo markii bishii Toddobaad ee sanadkii 2021-kii la dilay madaxweynihii Haiti ,Jovenel Moïse waxaa dalkaasi ka taagnaa shaqaaqooyin ay saameyn ka dhalatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments