Waxaa la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan 20 qof halka boqolaal kalena ay dhaawacmeen ka dib markii uu qarax saameeyay mid ka mid ah xarumaha shidaalka lagu keydiyo ee gobolka Nagorno-Karabakh.
Wasaaradda caafimaadka ee gobolkaasi ayaa laga soo xigtay in la helay meydadka 13 qof iyadoo toddobo ruux oo kalena ay u geeriyoodeen dhaawacyo soo gaaray.
Qaraxa ayaa laga soo tabiyay duleedka magaala madaxda gobolkaasi ee Khankendi.
Tirada dhaawaca ee isbitaallada la dhigay ayaa gaareysa 290 qof.
Dhowr ka mid ah bukaanka ayay liidataa xaaladooda caafimaad.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo shacabka ka soo jeedo Armenia ay iskaga cararayaan gobolkaasi maadaama dowladda Azerbaijan ay wado duullaan militari oo ay ku doonaysa inay aaggaasi kula wareegto.
Dowladda Armenia ee uu dagaalka kala dhexeya Azerbaijan ayaa sheegtay in 13,350 qof ay ilaa iyo hadda barakaceen.