Dowladda oo bixisay 338 milyan oo loogu talagalay dadka nugul ee deegaannada oomanaha ah

0
240

Dowladda dhexe ayaa soo saartay lacag dhan 338 milyan oo shilin taasoo loogu talagalay qoysaska liita ee ku nool deegaannada oomanaha ee loo yaqaano ASALs.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday wasiiradda jaaliyadda bariga Afrika , deegaannada oomanaha iyo horumarinta gobollada , Rebecca Miano.
Lacagtan ayaa la marinaya maamulka qaran ee maareynta abaaraha ee (NDMA).
Qiimaha lacageed ee ay ka faa’iidaysanayaan qoysaska saboolka ah ayaa gaaraysa 338,620,500 oo shilin.
Waxaa miisaaniyaddan loogu talagalay 119,406 oo ah qoysas ku nool ismaamullada Marsabit, Wajeer, Mandera, Turkana, Samburu, Isiolo, Garissa iyo Tana River.
Waxaa uu mid kasta heli doonaa 2,700 oo billa ah.
7,346 qoys oo ku nool ismaamulka Garissa ayaa loogu talagalay 24,588,900 oo shilin, ismaamulka Isiolo waxay gaarayaan 4,614 oo qoys oo loo qaybinaya 13,327,200 shilin.
Ismaamulka Samburu 6,287 qoys ayaa la siinaya 18,335,700, halka Tana River 6,011 oo qoysas ah loogu talagalay 17,685,000 oo shilin.
Mandera , tirada qoysaska ee lacagtan la faa’iidaya ayaa ah 20,407 waxaana loo qaybinaya 56,308,500 milyan oo shilin halka 19,174 qoys oo ku nool Marsabit la siinaya 52,868,700 oo shilin.
Ismaamulka Turkana, tirada qoysaska ayaa ah 37,445 waxayna helayaan 105,656,400 oo shilin halka Wajeer 18,122 qoys loo qaybin doono 49,850,100 oo shilin.