Guddoomiyaha baarlamaanka oo sheegay in waaxda dacwad oogidda ay xakameyn karto musuqmaasuqa

0
222

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka ,Moses Wetang’ula ayaa sheegay in xafiiska Agaasimaha guud ee waaxda dacwad oogidda dalka ee (DPP) uu aad muhiim ugu yahay dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.
Wetangula ayaa arrintan ka hadlay xilli la dhaarinayay Agaasimaha cusub ee dacwad oogidda dalka Renson Mulele Ingonga.
Waxaa uu intaasi ku daray in musuqmaasuqa uu noqday caqabadda ugu wayn ee ku hor gudban kobaca dhaqaale ee dalka iyo in dhammaan kenyaanka ay helaan fursado siman.
Waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in Mulele uu waajibaadkiisa uga soo bixi doono sida laga doonaya.