Guddiga isku xiro xisbiyada siyaasadeed oo dalbaday in baaritaan lagu sameeyo natiijadii doorashadii hore

0
267

Guddiga qaabilsan isku xirka xisbiyada siyaasadeed ee wadanka ayaa doonaya in baaritaan dabagal ah oo madax bannaan lagu sameeyo natiijadii doorashadii guud ee wadanka ka dhacday bishii Siddeedaad ee sanadkii hore.
Guddoomiyaha guddigan ,Evans Misati ayaa sheegay in sida keliya ee looga gudbi karo isqabqabsiga arrinkan la xiriira ay tahay in la sameeyo dabagal dhameystiran.
Misati ayaa soo jeedintan u gudbiyay guddiga wada hadallada qaran ee fadhiyada ku yeelanaya xarunta Bomas ee magaalada Nairobi.
Guddigan ayaa sheegay in la haysto fursad lagu billaabi karo baaritaannada sidoo kalena lagu soo gabagabeyn karo.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ,Rigathi Gachagua ayaa horay u sheegay in xubnaha guddiga ku shiraya Bomas aynan awood u lahayn inay baaritaan ku sameeyaan natiijadii madaxtinnimo ee doorashadii guud ee sanadkii 2022-kii.
Codeynta oo uu guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC shaaciyay inuu ku guulaystay William Ruto ayaa waxaa muran geliyay madaxa mucaaradka Azimio Raila Odinga oo dacwad maxkamadda geeyay in kastoo taasi la laalay.