DHAGEYSO:Dubat Cali Camey oo xoolo dhaqatada u diray digniin la xiriirta roobabka la filaya

0
167

Guddoomiyaha golaha suuq gaynta xoolaha nool ee dalka kana mid ah waxgaradka gobolka Waqooyi Bari, Dubat Cali Camey ayaa dadka xoolo dhaqatada ah ugu baaqay in ay ka feejignaadaan saameynta ka dhalan karto roobabka dayrta ah ee la filaya inay billowdaan bisha soo socoto.

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa horay u sheegtay in roobabka ay billaaban karaan bisha Tobnaad ee sanadkan oo ay suurtagal tahay inay da’aan ilaa horraanta sanadka dambe ee 2024-ta waxaana hadda ismaamullada kala duwan ka socdo barnaamijyo wacyigelin iyo diyaar garow isugu jiro oo ku saabsan sida looga gaashaaman karo saameynta daadadka ka dhalan karo roobabka.