DHAGEYSO:Dowladda oo bil kasta mushaar siin doonto dadka si iskood ah uga shaqeeya caafimaadka

0
193

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa bogaadiyay waxqabadka shakhsiyaadka si iskood ah uga shaqeeya arrimaha caafimaadka bulshada ee loo yaqaano CHVs.
Waxaa uu sheegay inay aad muhiim ugu yihiin barnaamijka caafimaadka guud ee UHC.
Ruto ayaa maanta sheegay in kenyaanka ay hadda iyagoo guriyahooda ku sugan heli doonaan qaar ka mid ah adeegyada caafimaadka maadaama mid kasta oo howlwadeennadan ka mid ah uu u xil saarnaan doono 100 guri.
Arrintan ayuu shaaca ka qaaday xilli uu maanta daahfurayay qalabka ay adeegsan doonaan dadka si iskood ah uga shaqeeya caafimaadka si ay baaritaannada aasaasiga ah uga sameeyaan guriyaha.
Waxaa uu intaasi ku daray in 47-da dowlad deegaan ee wadanka ay ka howlgeli doonaan in ka badan 100,000 oo ah CHVs waxaana howlaha ay bulshada u hayaan ku kormeeri doono khuburrada caafimaadka.
Madaxweynaha ayaa ballan qaaday in dowladaha ismaamullada iyo dowladda dhexe ay si wadajir ah u bixin doonaan mushaaraadka shakhsiyaadkan iyadoo la adeegsanaya hannaan casri ah si bil kasta aynan lacagahooda uga soo dib dhicin.
Waxaa uu ku boorriyay inay dadaalaan oo ay si niyad ah ugu adeegaan dadweynaha.
Madaxweyne Ruto ayaa intaasi ku daray in dowladda ay shaqaaleysiin doonto 20,000 oo saraakiil caafimaad ah si loo buuxiyo gaabadka jira.