DHAGEYSO:Wasaaradda beeraha oo loogu baaqay inay shaaciso qiimaha cusub ee galleyda

0
259

Qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee dalka ayaa wasaaradda beeraha ee wadanka ugu baaqay in ay shaaciso qiimaha cusub ee galleyda si beeraleyda ay u billaabaan inay iibiyaan ka hor inta uusan dalagyadooda baabi’in roobabka xooggan oo la filaya in wadanka ay ka da’aan toddobaadyada soo socda.
Waxaa ay madaxdan sheegeen in kabida bacriminta ee dowladda ay wanaajisay wax soo saarka beerlayda.
Hasa ahaate ay ka cabsi qabaan in beeraleyda ay khasaaro soo gaarto haddii aan la qaadin tallaabooyin degdeg ah oo looga hortagayo saameynta ka dhalan karta cimillada deyr biyo badan ee loo yaqaano El Nino.
Hoggamiyayaasha siyaasadeed ayaa dhanka kale ka soo horjeestay in dalal shisheeye laga soo iibiyo galley, ilaa beeralyada wadanka ay suuqa u helaan dalagyadii ay soo saareen.