Xisbiga talada wadanka haya ee UDA ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in hoggaamiyaha wadanka William Ruto uunan marnaba qorsheynayn inuu xilka hayo muddo ka badan inta uu dastuurka u oggol yahay.
Waxaa uu xisbiga UDA cadeeyay in waxbo aysan iska beddelin muddo xileedka madaxweynaha ee ah labo xilli oo min shan sano ah.
Xoghayaha guud ee xisbiga talada wadanka haya ee UDA Cleophas Malala ayaa hoosta ka xarriiqay in soo jeedinta senetarka ismaamulka Nandi Samson Cherargei uunan ahayn mid ka turjumayay mowqifka xisbiga UDA, isbeheysiga Kenya Kwanza iyo madaxweyne William Ruto balse uu mudanaha muujiyay keliya aragtidiisa shakhsiyadeed.
Malala ayaa meesha ka saaray fikradda ah in madaxweyne Ruto uu qorsheynayo muddo kororsi, isagoo sheegay in madaxweynaha uu ku adkeysanayo inuu difaaco dastuurka wadanka lagu maamulo.
“Xisbiga talada wadanka haya ee UDA, wuxuu hadda diiradda saarayaa sidii uu uga dhabeyn lahaa ballanqaadyadii uu u sameeyay shacabka Kenyaanka,” ayuu yiri Malala
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii senatarka dowlad deegaanka Nandi Samson Cherargei uu soo jeediyay in muddo xileedka madaxweynaha dalka laga dhigo toddobo sano.