DHAGEYSO:Mudavadi oo meesha ka saaray in khilaaf uu kala dhexeya guddoomiyaha baarlamaanka dalka

0
209

Madaxa wasiirrada dalka Musalia Mudavadi ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in khilaaf uu kala dhexeyo afhayeenka baarlamaanka dalka Moses Wetangula.
Waxaa uu wararkaasi ku tilmaamay kuwa aan waxbo ka jirin.
Madaxda ka soo jeeda gobolka galbeedka dalka ayaa isku raacay in ay hal cod noqdaan oo ay midoobaan.

Dhanka kale, xoghayaha Guud ee xisbiga talada wadanka haya ee UDA Cleophas Malala ayaa dhaleeceeyay qaar ka mid ah madaxda siyaasadeed ee ka soo jeeda galbeedka wadanka.