Ismaamulka Nairobi oo meesha ka saaraya 193 meydad ah

0
357

Dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi ayaa shaacisay inay meesha ka saari doonto meydad gaaraya 193 oo aynan ilaa iyo hadda cidna sheegan.
Meydadkan ayaa yaalla goobaha meydadka la dhigo ee City Mortuary iyo isbitaalka Mama Lucy Hospital.
Wargelin dadweyne oo shalay la faafiyay ayaa waxaa ku cad in 169 ka mid ah meydadkan ay yaallaan City Mortuary halka 24 ay yaalaan isbitaalka Mama Lucy.
Sida ku qeexan xeerka fayadhowrka ee Public Health Act qaybtiisa 242 waxaa xubnaha bulshada laga doonaya inay meydadkan haddii ay ehelladooda yihiin ku aqoonsadaan oo aynan kula wareegaan muddo toddobo cishe gudaheeda ah.
Haddii aynan sidan sameyn , dowladda ismaamulka ayaa raadsanaysa oggolaansho ay meesha uga saari karto oo lagu aasaya meydadka.
10-kii bishii Labaad ee sanadkan ayay ahayd markii dowladda hoose ee Nairobi ay meesha ka saartay 250 oo ah meydad aynan cidna sheegan ka dib markii ay heshay amar maxkamadeed.