DHAGEYSO:Shacabka xaafadda Biafra ee Islii oo koronto la’aan ka cabanaya saddex bilood

0
212

Dadweynaha ku nool xaafadda Biafra ee deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi ayaa cabasho ka muujinaya inaynan adeegga korontada haysan muddo saddex bilood ah.
Shacabka ayaa sheegaya in shaqaalaha shirkadda korontada ay bishii 6-aad ee sanadkan meesha ka saareen mid ka mid ah haamaha korontada qaybiya tan iyo xilligaasina ay dhibaatooyin ku qabeen adeegyada caafimaadka , ganacsiga iyo amniga.
Waxay baaq u direen shirkadda korontada ee KPLC iyo mas’uuliyiinta ay soo doorteen inay caqabaddan xalliyaan.