Dowladda ismaamulka Nairobi oo doonaysa inay kordhiso dakhligeeda

0
343

Dowladda ismaamulka Nairobi ayaa qorsheynaysa inay uruuriso canshuuro dheeraad ah si ay sare ugu qaado dakhligeeda.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday sarkaalka sare ee waaxda dakhliga Wilson Gakuya .
Waxaa uu sheegay in laga billaabo berri ilaa Arbacada shacabka ku nool caasimadda wadanka laga qayb gelin doono hindise sharciyeedka miisaaniyad sanadeedka 2023/2024-ka si ay aragtidooda uga dhiibtaan.
Waxaa kulamadan dadweyne lagu qaban doonaa dhamaan 17-ka deegaan baarlamaneed ee ay Nairobi ka kooban tahay.
Miisaaniyadda dhaqaale ee ismaamulka Nairobi ee sanadkan ayaa ah 42.3 bilyan oo shilin.
Lacagtan ayaa isugu jirto 28.3 bilyan oo loogu talagalay maareynta qarashaadka ku baxaya howlaha ismaamulka iyo 14 bilyan oo loo adeegsan doono barnaamijyada horumarineed.
Wilson Gakuya ayaa sheegay inay qorsheynayaan inay uruuriyaan 19.9 bilyan oo u gaar ah.
Siyaabaha lacagahan lagu soo xareynaya ayaa waxay ku xusan yihiin hindise maaliyadeedka dowladda ismaamulka Nairobi.
Mas’uulkan ayaa intaasi ku daray inay soo rogayaan canshuur cusub halka kuwo sii jiray dib u eegis lagu sameynaya.
Sidoo kale waxaa qarashaadka laga yareynaya gaadiidka dadweynaha halka soo la saaraya nidaamyo cusub oo ganacsiga looga dhigaya mid cadaalad ah.
Dowladda ismaamulka Nairobi ayaa sidoo kale doonaysa inay adeegsato hal qaab oo dhijitaal ah oo lacagaha lagu bixinaya iyadoo oggolaanshaha ganacsiga laga dhigaya mid casri ah.
Si loo fududeeyo ciriiriga ka dhex jiro caasimadda dalka waxaa la kordhinaya qarashaadka baabuurta lagu baakimo ee goobaha ganacsi ee muhiimka ah.
Sidoo kale waxaa boqolkiiba 10 la kordhinaya kirada guriyaha uu leeyahay maamulka hoose ee Nairobi ee ay qaar ka mid ah shacabka deggan yihiin.
Waxaa qorshaha qayb ka ah in la wanaajiyo adeegyada suuqyada ka dibna la kordhiyo lacagaha ay bixiyaan ganacsatada.
Dhanka kale waxaa la xaddidaya lacagaha dulsaarka ah ee la xiriira dhulalka la iibsado.
Madaxa waaxda maareynta dakhliga ee ismaamulka Nairobi, Shaban Asman ayaa sheegay in hindise maaliyadeedka dowlad deegaanka ay sidoo kale qayb ka yihiin lacagaha lagu bixiyo isbitaallada iyo machadyada tababarka.
Sidoo kale guddiga bixiya leesimada meelaha lagu caweeyo ayaa laga doonaya inuu soo gudbiyo warbixinno sanadla ah.
Nidaamkan ayaa la habeynaya iyadoo la soo saaraya shato ganacsi oo mid ah.
Dowladda ismaamulka Nairobi ayaa sidoo kale canshuur dheeraad ah ku soo rogi doonto shirkadaha khamaarka, maareynta wasaqda caafimaad iyo goobaha dadweynaha.
Sidoo kale waxaa la soo rogayaa canshuur laga qaadaya hantiilayaasha taasoo dhanka deegaanka ah.
Lacagtan ayaa loo adeegsan doonaa in lagu wanaajiyo bullaacadaha iyo hannaanka biyo mareenka.